|
Xaalad Amaan Xumo oo Laga soo Sheegayo Wadooyinka Gobolka Hiiraan |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Sunday, 20 April 2008 |
|
Beledweyne,(insidesomalia.org)-Waxaa Xubmaaneysa Xaalada wadooyinka waa weyn ee mara gudaha Gobolka hiiraan, ka dib markii jid gooyooyin sharci adro ah ay ku soo Karor tay inta u dhaxeysa Tuulada Fiidoe iyo Jalalaqsi ee Gobolka hiiraan .
Jid Gooyooyinkan ay dhigtaan Burcad Hubeysan ayaa waxa ay Gaarayaan ilaa iyo lix Jidgooyo ,kuwaa oo lacago Baad ah ka qaada Gawaarida ku safarta Deegaanadaasi .
Midka mid ah dad rakaab ah oo gaarigii ay saarnaayeen loo geystay dhac ayaa waxaa uu sheegay in ay Burcadasi ka qaateen wax alaala waxii ay heysteen hadii ay ahaan la heyd Nooligii ay ku gaari la ahaayeen meelihii ay doonayeen .
Hadaba Kooxahaani hubeysan ayaa xiliyada qaar waxaa ay Shacabka ku safraya wadooyinkaasi u geystaan dil dhac iyo Kufsi mana jirto cid ka tirsan dinacyada siyaasada isaga soo horjeeda oo wax ka qabanaya xaalada maan xumo ee ka taagan gudaha Gobolka Hiiraaan, balse saraakiil ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa uu wacad ku maray in ay cirib tiri doonaan kooxaha hubeysan ee Burcada ah oo Caadeystay in ay dhac iyo Baarasho u geystaan Dadka Musaafurk ah.
|